Xafiiska xisbiga barwaaqo laanta degmada barey
Xaqiijinta lasocodsiinta xaalada dhabta ee degmada barey
12/05/2026
Banaanbax balaadhan oo lagu taageerayo musharixiinta Xisbiga Barwaaqo uga sharaxan degmada Baarey ee gobolka Afdheer.
Banaanbaxan oo ay isugu soo baxeen taageerayaasha xisbiga barwaaqo ee degmada Baarey ayay kala soo qaybgaleen madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo laanta Deegaanka Soomaalida Eng. Maxamed Shaale Isaaq, wasiiro ka tirsan xukuumada DDS, maamulka gobolka Afdheer, kan degmada Baarey iyo musharixiinta Xisbiga Barwaaqo uga sharaxan degmada Baarey ayaa taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo kala qaybgalay isu soobaxan ay ku muujinayaan sida ay ugarab taagan yihiin xisbiga.
Masuuliyiinta iyo musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ayaa bulshada iyo taageerayaasha ubalanqaaday in ay sii xoojin doonaan horumarka balaadhan ee laga qabtay degmada Baarey, sidoo kalana wax laga qaban doono baahiyaha dhiman ee ay bulshadu tabayso.
04/04/2026
"Isbeddelka 8 sano jirsaday ee dalka ka hirgalay wuxuu si weyn u beddelay aragtidii iyo dhaqankii siyaasadeed ee h**e u jiray. Waxaa meesha ka baxay hannaankii ku salaysnaa cabsida iyo ka-qaybgal la’aan, waxaana lagu beddelay aragti ku dhisan furfurnaan, dimuqraadiyad iyo sinaan. Isbeddelkan ayaa horseeday in bulshada ay si xor ah uga qayb qaadato siyaasadda, isla markaana la xoojiyo kalsoonida u dhaxaysa shacabka iyo dowlada.
Sidoo kale isbadalkan ayaa si gaar ah uga muuqday Deegaanka Soomaalida, waxaa la hirgeliyay is-maamul dhab ah iyo matalaad dheelitiran oo uu ku yeesho siyaasadda dalka. Aragtidii h**e ee meesha ka baxday ayaa sahashay in deegaanku si madax-bannaan u maareeyo arrimihiisa, kana qayb qaato go’aan-qaadashada heer qaran.
Waana mida dhidibada u taagtay horumar, xasilooni iyo midnimo waarta."
Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Laanta Deegaanka Soomaalida (DDS), Mudane Inj. Maxamed Shaalle Isaaq,
03/04/2026
Baarey 25/7/2018
waxaa manta dhirbeeris sameeyay hogaminta is kashiga 3aad iyo dhamanxubnaha qoysaska ee iskaa shiga uu kakoobanya
barnamijka cagarintu waa qayb kamid
tiirasha ugu wayn ee xisbiga
02/04/2026
Isbadalki Ka dhacay Dalka & Deegaanka wuxuu ahaa mid Bulsha wayta Itoobiya Ku reebay Raad aan la ilaawi karin
Dalkena itoobiya wuxuu Soo maray Marxalado kala gadisan & isbadalo kuwaas oo ahaa kuwa ku imaan jiray qori caaradii ( aan ahayn mid dimuqraadi ah)
Lagana Dhaxli jiray In Kolba kooxa hubaysan oo Taliska jira Kaga qaata xukunka hadba sidi uu isagaba ku imaaday
Hadaba 8 sano ka hor Isbadalki Dalka ka dhacay wuu ka duwanaa isbadaladi Dalka looga Bartay wuxuuna ahaa mid ku imaaday Hab Rabitaan shacab ah & isla halgan Xubnaha Xisbiga ( Reform)
Markan Eegno DDS Marxaladihii uu soo maray & Haatan meesha aan marayno
Dhan walba waa kaaf & kala dheeri
Xoriyad hadalka ,ilaalinta karaamada shacabka ,xoriyada diinta ,kufaanida & Hirgalinta dhaqankeena Soomaaliga ah ee wanaagsan ,Hormarka Xawliga ah & Nabadgalyada Aan nahay Deegaanka oogu fcn Itoobiyada kale
Gunaanad & gabagabadii
Bulshadena waxaa la gudboon in Taariikhda wax laga Barto Nimcada Ay haysatana Ay eebe oogu shukrido
Mahadsanidiin
W/Q/ Gudoomiyaha Gobalka afdheer
Mudane Xildhibaan Shukri Xasan Barre ✍️
13/03/2026
Musharixiinta Xisbiga Barwaaqo- Ee Degmada Baarey.
Waxa Saaka Soogaadhay Goob doorashadi ay kasharax-nayeen Xildhibaanada Xisbiga Barwaaqo Ee Degmada Baarey iyagoo Goobtaasi iska diwangaliyay Kaarkii kaqaatay.
1:- Musharax xildhibaan Abdi Muhumed Adensahal
2:- musharax xildhibaan Cabdirashiid Shcali
3:- musharax xildhibaan Hani Mohamed khayre
4:- Musharax xildhibaan Mohamed nour sayid Xusen.
Muwaadin codkaada ugu codee Xildhibanada
07/03/2026
Baarey 28/6/2018
waxaa manta kabilawday isdiwangalinta doorashada 7aad ee heer qaran waxana sifiican usoc da qadashada karka cod bixinta
14/02/2026
Baarey 7/6/2018
Waxaan manta lakulanay gudiga dhaqala uruurinta ee xaalada jiilalka waxana islaqadanay in labilaabo biyo dhanka dhaqalaha lasooxareeyay
• Lanadhiso gudi kashaqaynayo xaalada biyodhaka oo isugu jira
■Mamulka
■Culimo
■dhalinyarada
10/02/2026
Waxaa magaalada Addis Ababa ka bilaabmay barnaamijka soo bandhigida astaanta doorashada iyo barnaamij siyaasadeedka (Manifesto) Xisbiga Barwaaqo ee doorashada 7aad ee dalka.
Munaasabadda oo ay kasoo qaybgaleen madaxda sare ee Xisbiga Barwaaqo oo ay ugu h**eeyaan Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Ra'iisul Wasaare kuxigeenka JDFI Mudane Temesgen Tiruneh iyo Madaxweyne kuxigeenka ahna Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo Mudane Aaden Faarax.
Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay xubnaha guddiga fulinta, xubnaha golaha Xisbiga Barwaaqo, hogaaminta guddiga anashaxa iyo baadhista Xisbiga Barwaaqo iyo marti-sharaf kale.
09/02/2026
Dhismaha Cusbitaalka Darajada Koobaad ee Degmada Baarey ee Gobolka Afdheer ayaa Ka Mid ah Mashaaricaha Caafimaad ee uu Dhagax Dhigay Madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Wasiirka Caafimaadka DDS Dr Musse Axmed Ibraahim.
Dhismaha cusbitaalka darajada koobaad ee degmada baarey ee gobolka afdheer oo kamida ah mashariicaha shaqooyinka xoogani ay kasocodaan ee ay xukumada deegaanku kaga jawaabayso heer daboolka caafimaad ee bulshada helitaanka bulshada ee adeegyo caafimaad oo isku dhafan ayaa hadda marayaa 31% kaasi oo kadib dhamaystirkiisa wax wayn ka badali doona baahida caafimaad ee bulshada degmada baarey iyo nawaxigeeda.
Sanadihii lasoo dhafay meelaha horumarka xoogani ka muuqdo wax ka mid ah satarka caafimaadka kasi oo kasakow fahansananta ahmiyada bahiyeed ee bulshadu ugu bahan tahay adeeyo caafimaad oo dhamatiiran haddana hogaaminta sare ee saktarkan ayaa ku hawlan wax ka gabashada xaqijinta heer daboolka caafimaadka bukshada.
Xafiiska Caafimaadka DDS
February 9, 2026
09/02/2026
Mashaariicda ugu waawayn ee Gobolka Afdheer laga fuliyay 7di sane udanbaysay:-
1. 5 Dugsi sare + boarding shool (degmooyinka godgod, baareey, ceelkari, qooxle, jiiq iyo boarding school hargeelle) iyo sidoo kale 2 liberary oo ay somali lmad dhistay.
2. 8 Health Center (degmooyonka jarati, dolobay, baaray, iimay iyo ceelkari).
3. 2 Isbitaal oo darajada 1aad ah (Raaso la dhamaystiray iyo Baaray socdo).
4. 3 buundo oo waawayn (allan, farcosbo iyo masala-aduun).
5. 10 ceel oo dhaadheer (degmooyinka jarati, godgod, baaray iyo aaso).
6. 7 Biyaxidheen (degmooyonka hargeelle, dolobay, iyo ceelkari).
7. 4 biyagalin (magaalooyinka godgod, baaray, dolobay iyo raaso).
8. Dhismaha xafiiska maamulka gobolka oo ah G+1.
9. Guryawadareedyada magaalada hargeelle oo 4 gibi.
10. Fulinta qorsha-hagaha 8 magaalo oo kala ah iimay, jiiq, ceelkari, jarati, dolobay, baaray, godcosbo iyo hargeelle oo la balaadhiyay.
11. Vertenary clinic iyo poltary house (degmada jarati)
12. dhismaha jidka dharaaye iyo qooxle iyo dayactirka jidka jabsa iyo shaakisa.
13. 3 Sayladood oo kuwa xoolaha ah (qooxle, raaso iyo jiiq).
14. kuliyada farsamada raaso oo hada gabgabo maraysa.
15. 8 kanaal oo kuwa waraabka ah oo laga kala fuliyay degmooyinka jarati, ceelkari, iimay iyo raaso.
Intaas waxaa dheer:-
1. Mashaariicda heer federal sida
2. Anteenooyin ilaa 8 ah oo laga dhisay degmooyinka kaladuwan.
3. Jidka laamiga godey ilaa hargeelle oo ha jiitame lkn shaqadiisu socoto ayadoon dhaliisha daahitaanka la inkiri karaynin iyo midka qooro-baqasa ilaa jarati oo la dhamaystiray,
4. Waxaa kale oo jira laydhka 24 saac ee magaalada raaso.
5. Dhagax-dhiga iyo daraasaadda xarunta laydhka 24 saac (Substation) ee hargeelle.
6. Dhismaha xarunta saadaasha hawada (Ceelkari) iyo mashaariico kale.
Waxaa kale oo ayadana jirta waxqabadka iyo mashaariicda heer degmo oo sanad walba degmooyinku ay si joogta ah ufuliyaan iyo mashaariico kaqaybgal bulsho lagu fuliyay oo hogaamin
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Addis Ababa
