Pharm Abdi wahab ali
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Pharm Abdi wahab ali, Health/Beauty, London.
26/09/2024
Angina ama xabad xanuun waa xanuun ka dhasha isku dheelitirnaan ku yimaada oksijiinta u baahan yahay iyo oksijiinta soo gaadhaysaa. Waana xanuun lagu astaameeyo calaamad ahaan laab xanuun aad u daran oo qofku ku keeni karaa dhimasho. Waxyaabaha ugu badan ee keena waa xididka halbawlaha oo adkaada ( atherosclerosis) waxyaabaha adkaynaya waxaa kamid ah in dux fadhiisato mariinka xididada halbowlaha taasna waxay keenaysaa in haaf dhan ay xidho ama si dhamaystiran u xidho waxaana loo yaqaana xabad xanuun ama (angina) balse haddii si xidhayba oo gabi ahaanba xidhmo waxa dhalanaya xanuunka loo yaqaano ( myocardial infarction ) oo ah isna xanuun kaloo in wadnaha dhiig ku filan soo gaadhi wayay.
Inta badan daawooyinkiisu waxay u shaqeeyaan in wadnaha oksijiinta u baahan yahay la badiyo isla markaana la yareeyo dalabaadka uu wadnaha uu bixinayo.
Daawooyinkaas waxa kamid ah:
1. Calcium channel blocker
2. Organic nitrates
3. Beta blocker
4. Ranolazine oo kaliya xoojisa daawooyinka kale ee lagu darayo.
Abdiwahab ali
15/09/2024
SGLT2 group waa daawooyin macaanka u khaas ah nooca labaad. Si kastaba ha noqotee haddii qofka macaankiisu aad u sareeyo siiba dadka waawayn ama dumarkaba waxay kor u qaadaa khatarta caabuqa kadi mareenka taasina waa marka qofku daawooyinka SGLT2 isticmaalayo hadana Marka la cabiro sonkortiisa kacsanaado. Sababtana waxaa weye saaritaanka daawoyinka ay saarayaan sonkorta isla markaasina ay ka saarayaan kilyaha ama kaadida soo raacinayaan waxay u sahlaysaa bakteeriyada sonkortaa badan mid ku kortaa sidaas darteed waxay keenaysaa in caabuq kaadi mareenka inuu haleelo bukaanka. Waa in laga joojiyo isla markaasina laga daweeyo caabuqaas.
Abdiwahab ali
13/09/2024
Sawirkan hoose waa daawooyinka saameeyaa kilyaha.
09/09/2024
Isticmaalka mudada badan ee daawooyinka gaasteriga ee OMEPRAZOLE, LANSOPRAZOLE iyo kuwa kaleba waxay hoos u dhigaan vitamin B12.
Waa in qofku sameeyaa shaybaadh heerka vitaminkas ka marayo jidhkiisa.
Abdiwahab ali
03/09/2024
Antibiyootic waxaa lagu yaqaana inay keento SHUBAN siiba daawooyinka penicillin-ta waxaa taasi ugu wacan inay baabi’iso bakteriyada iskaga nool caloosheena oo aan dhib keenin isla markaasina qabata shaqooyin aan aad ugu baahanahay ama waxay samayaan daawooyinkaasi inay dhaawac gaadhsiiyaan mindhicirka.
Abdiwahab ali
03/09/2024
GINGIVAL HYPERPLASIA waa saamaynta xun ee ay leedahay daawada PHENYTON. Daawadan waxaa loo isticmaala xaaladaha gariirka.
Xanuunkan ay keento daawadu waxaa weeye waa barar ama in tirada unugyada ciridka bataan oo korin xad dhaaf ah sameeyaan iyadoo markaa keenaya xanuun aad u daran xataa bukaanka waxaanu awoodi doonin inuu qaato cuntada ama uu cuno inuu hadlaba.
Abdiwahab ali
02/09/2024
ALBUTEROL waa daawo muddo gaaban shaqaysa isla markaasina u shaqaysaa in samayso in tumbooyinka sambabada balaadhiso deedna hawo si fiican u marto.
Daawadan waa daawada ugu horeysa ee qofka xiiqda qaba ee soo boodada ah lagu xakameeyo.
Abdiwahab ali
01/09/2024
Inkasto daawada ay tahay qayb ka mida daawooyinka loo isticmaalo caabuqa ama qalayjiye hadana waxay keentaa in hoos u dhigto dhuuxa dhiiga soo saaro ee loo yaqaano ( bone marrow ) deedna qofka waxaa ku dhacaya dhiig la’aan, caabuqyada oo kusoo noqnoqda, dhiigbax.
Waxaa xusid mudan isticmaalka daawadan maadaama suuqa ka sii bixi rabbo sababo awgood in la helay daawooyin ka fiican iyo iska caabinta ama waxtar la’aanta daawadan hoos u dhacay darteed hadana waxaa laga yaaba in dunida wali ka jirto inta badan qofka waxaa uu u baahnaan doona in marwalba dhiigiisa la eego xadiga 2 dii cisho kasta.
Abdiwahab ali
01/09/2024
Inhaled corticosteroids waxaa loo tixgaliyaa daawooyinka ugu fiican ee xakameeya isla markaana dejiya xanuunka xiiqda. Dhinaca ugu xun ee daawadan laga dhaxli karo (side effect) waa inay keento isbedel xaga codka (dysphonia).
Abdiwahab ali
31/08/2024
Daawada imipramine oo loo isticmaalo xaalada maskaxda ku dhacda sida niyad jabka waxaa sanado lagu guulaystay oo loo isticmaalayay caruurta isku kaadida habeenkii (bed wetting) iyadoo kenaysa inay joojiso isku ururka murqaha kaadi haysta ku yaala, Waxaa kaloo iyana la isticmaali karaa DESMOPRESSIN shaqada ugu wayni ahayd inay kadida yarayso.
Abdiwahab ali
31/08/2024
Macdanta ama maadada CALCIUM ( kalshiyamka) waxay hoos u dhigi kartaa ama saamayn ku leedahay soo nuugitaanka daawada loo isticmaalo tayroodhka dhacsan ( levothyroxine ).
Si markaa loo ilaaliyo daawadaas ee tayroodhka loo qaato waxtarkeeda waa in maadadaa iyo daawada laga kala saaro ama la kala qaado 2-4saacadood.
Waxwalba oo hoos u dhigaya waxtarka daawada tayroodhka ee levothyroxine waa in laga fogaado sida cuntooyinka Kalshiyamka ka kooban.
Abdiwahab ali
30/08/2024
amlodipine daawadan waxaa loo qaataa dhiigkarka iyo xaalado kale. Daawadan inta badan kiniin bay ku timaada bukaankana waxaa lagula taliyaa inuu subixii qaato ama inuu markuu sii seexanayo qaato.
Had iyo jeer bukaanka waxaa lagula taliyaa inaanu burburin ama calaalin kiniin balse uu wada liqo hal mar isagoo biyo u isticmaalaya.
Waxaana iyana xusid mudan markuu bukaanku u baahan yahay daawo tan oo kale waxaa ka horeysa inaad cabirto bukaanka cadaadiska dhiigiisa iyo garaaca wadnaha si looga hortago dhiig dhac saa’ida inuu yimaado waayo haddii aad siiso isagoo cadaadiska dhiigiisu dhacsan yahay iyi garaaca wadnaha waxay keenaysaa ama sii laba jibaaraysaa xaalada hadda ku sugan yahay ee ah cadaadiska dhiiga oo dhacsan ( hypotension).
Abdiwahab ali
Dadka hala gaadhsiiyo insha allah
Click here to claim your Sponsored Listing.
