Ookiyo
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ookiyo, Nairobi West.
05/02/2026
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay Baydhabo, xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo u dhexeeyey Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo ciidamo hab qabiil u abaabulay.
Dagaalka ayaa bilowday shalay galab markii malayshiyaad ka amar qaata ganacsade maxalli ah ay weerareen dhisme ku yaalla Baydhabo. Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, oo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Hirshaw, ayaa la wareegay dagaalka kadibna ku adkaaday kooxda weerartay.
Wararka goobta laga helayo ayaa sheegaya in tiro badan oo dad ah ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen. Inta uu dagaalku socday, waxaa la gooyay isgaarsiinta degmada iyo deegaamada hoos yimaada, taasoo caqabad ku noqotay helidda macluumaadka degdega ah ee ku saabsan xaaladda guud.
Dadka deegaanka ayaa ka barakacay xaafadaha dagaalka ka socda, iyagoo raadinaya meel ammaan ah. Baydhabo ayaa horey u martigalisay barakacayaal badan oo ka soo barakacay abaaraha iyo dagaallada ka dhacay gobollada Koonfurta Soomaaliya, taasoo xaaladda ka dhigaysa mid cakiran oo u baahan gargaar degdeg ah.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda, islamarkaana la sameeyo wada-hadal lagu xallinayo khilaafaadka hubeysan, si looga hortago khasaaro dheeraad ah oo dha
05/02/2026
Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026: โ Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka tarjumaya xaaladda abaaraha ka jira gayiga Soomaaliyeed iyo saameynta dhanka biyaha iyo cuntada ah ee ay ku yeelatay dalka, iyada oo ay Xukuumaddu qorshaynaso tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo xaaladda taagan.
Kulanka oo uu guddoomiyey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey ๐๐๐๐ซ-๐๐ข๐๐๐๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐ง๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ญ๐๐ซ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐, kaas oo dhigaya hannaan sharci iyo maamul oo mideynaya diyaar-garowga, ka hortagga, iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa baniโaadamka sameeyo, iyada oo ujeedka guud yahay isku tashiga bulshada iyo dowladda.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa meel-mariyey heshiisyo iyo siyaasado muhiim u ah horumarka heyโaddaha ay khuseyso kuwaas oo lagu tayeynayo adeegyada dowladda waxa ayna kala yihiin.
๐- ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ข๐ฌ-๐๐๐ ๐๐ซ๐๐ ๐จ๐จ ๐ฎ ๐๐ก๐๐ฑ๐๐๐ฒ๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐, ๐ค๐๐๐ฌ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐ข๐ฌ๐ค๐๐๐ฌ๐ก๐ข ๐ ๐๐๐๐ข๐ข๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐.
๐- ๐๐ฑ๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ (๐๐๐๐).
๐- ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐๐ข๐ซ๐จ๐๐ข ๐๐ ๐ค๐ ๐ฌ๐๐๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐ฆ๐๐ซ๐๐๐ค๐ข๐ข๐๐ญ๐ ๐๐ ๐๐๐๐.
๐- ๐๐ฑ๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ค๐ข๐ข๐๐ญ๐ ๐๐ ๐๐๐๐.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Tahriibka iyo Ka-ganacsiga Dadka, oo lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee tahriibka iyo dhibaatooyinka baโan ee ay ku hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, taasi oo iftiimisay halista naf iyo maalba leh ee ay la kulmaan dhallinyarada ku hamisa tahriibka, oo ay ka mid yihiin dhimasho, dhaawac, xabsi, tacaddiyo iyo ka faaโiidaysi baniโaadamnimo, kuwaas oo si toos ah u saameeya mustaqbalkooda iyo horumarka dalka.
Xafladdii Meherka Malabo ee Muqdisho.
05/02/2026
Dagaal mar kale saaka dib ugu qarxay Magaalada Baydhabo ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,Isgaarsiintii ayaa la jaray isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa hakaday khasaare isugu jira dhimasho dhaawac iyo burbur hantiyadeed ayaa jira
05/02/2026
Deni,Qoorqoor iyo Mustafe Cagjar oo ka Qeyb Galaya Caleemo-saarka Ugaaska Guud ee Tanade (Leelkase)
Xafladda caleemo-saarka Ugaaska Guud ee Beelaha Tanade (Leelkase), Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, oo lagu wado inay ka dhacdo maalinta Axadda ah degmada Galdogob ee gobolka Mudug, ayaa waxaa ka qeyb galaya wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale, xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galaya isimada dhaqanka, masuuliyiin kala duwan, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ka imaanaya gobollada dalka iyo dibaddaba.
Dhanka kale, munaasabadda waxaa si rasmi ah loogu casuumay Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamed Cagjar.
05/02/2026
Senator Ilyaas Gaboose oo ka hadlay Heshiiskii uu la galay Axmed Madoobe.
Senator Ilyaas Badal Gaboose, oo maanta safar caafimaad ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, ayaa ka warbixiyay wada-hadalladii iyo heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii muddoyinkii ugu dambeeyay ee u dhexeeyay isaga iyo Dowladda Jubbaland.
Senatarka ayaa sheegay in khilaafkaasi, oo socday muddo ku dhow sanad iyo bilo, uu hadda si rasmi ah ku dhammaaday is-afgarad iyo wada-tashi, taasoo horseeday in la gaaro xal waara oo ku saleysan danaha shacabka.
โWaxaan muddo sanad iyo bilo ah joogay magaalada Kismaayo kadib khilaaf na dhexmaray aniga iyo Dowladda Jubbaland, balse maanta waan ku faraxsanahay in arrintaas lagu dhammeeyay wadahadal iyo isfaham,โ ayuu yiri Senator Ilyaas.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in wakhtigan ay shacabka reer Jubbaland si gaar ah ugu baahan yihiin midnimo, wadajir, iyo isu-tanaasul, si loo xoojiyo amniga, horumarka, iyo xasilloonida deegaannada maamulka.
Senator Gaboose ayaa xusay in horumarka iyo nabadda lagu gaari karo oo keliya marka la helo iskaashi dhab ah oo u dhexeeya hoggaanka, siyaasiyiinta, iyo bulshada.
Dhanka kale, wuxuu baaq u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ku boorriyay inay u midoobaan ka hortagga abaaraha, dhibaatooyinka biniโaadannimo, iyo caqabadaha kale ee waaweyn ee dalka horyaalla.
Safarkiisa caafimaad ayaa lagu sheegay mid qorsheysan, waxaana la filayaa in uu dib ugu soo laabto dalka kadib marka uu soo dhammeeyo daaweyntiisa.
Senator Ilyaas Badal Gaboose ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay mudnaanta siiyaan wada-hadal, is-ixtiraam, iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.
05/02/2026
Maamulka Hรธbyo iyo Agaasimaha Hay'ada NIRA DR.Cabdicasiis Aadan Xaashi iyo Taliye ku xigeenka cusub saldhiga booliska Degmada Hobyo taliye Cabdulahi Cusmaan Samatar.
Xigasho Guddoomiyaha Maamulka Degmada Hรธbyo Cusmaan Axmed
05/02/2026
Wafdi culus ee Galmudug ay u dirtay Gal-Barwaaqo
โWasiirka Amniga Galmudug, Mudane Gargareeto
โWasiirka Waxbarashada Galmudug, Mudane Dhore
โWasiirka Gaadiidka Galmudug
โWasiirka Caafimaadka Galmudug
โWasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Galmudug
โWasiirka Xannaanada Xoolaha Galmudug
โWasiirka Beeraha iyo Waraabka Galmudug
โWasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Galmudug
Sidoo kale, wafdiga waxaa ka mid ahaa:
โXildhibaan Caloolgeel
โXildhibaan Xasan Baashi
โGuddoomiyaha Gobolka Mudug
โSuldaanka Beesha Sacad, Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed
โGuddoomiyaha Guddiga Nabadaynta Mudug, Nabadoon Cali Salad (Garcade)
Iyo masuuliyiin kale oo tiro badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
Wafdigan waa marti heer sare ah, kuwaas oo ay aad u dhif iyo naadir tahay in ay hal meel ku wada kulmaan, hase yeeshee Galbarwaaqo ayay isugu yimaadeen, halkaas oo ay kala kulmeen soo dhaweyn ka tarjumaysa sharafta ay mudnaayeen.
Labada gole ee Maamulka Galmudug ayaa si cad u muujiyay in ay diyaar u yihiin in Galbarwaaqo ay hesho darajada Degmo, arrintaas oo noqotay farriin rajo iyo horumar xambaarsan.
Xafladii xalay Degmada lagu qabtay, oo cinwaankeedu ahaa:
โXafladda Daahfurka Horumarinta iyo Sharci-u-raadinta Degmada Galbarwaaqoโ,
ayaa wasiirrada intooda badan mid walba ballan qaaday in uu Degmada ka hirgelin doono xarun ama adeeg si toos ah ula xiriira waajibaadka wasaaraddiisa.
Intaa waxaa dheer, waxaan booqannay Xarunta Degmada, oo haatan maraysa heer wanaagsan, iyo sidoo kale Saldhigga Booliiska
Xalkaan Waxaa oga mahad celinaa Dhextaalka iyo Hormuudka hormarkaan, AgaasimeAbshir Xaashi Cali Canshuur mahadsanid Agaasime halkaa kasii wad Dadaalka.
Ookiyo
04/02/2026
Turkiga oo taageeray Midnimada dhuleed ee dalalka Suuriya,Liibiya, Soomaaliya iyo Suudaan
Ciidamada Koonfurgalbeed oo la wareegay goobihii lagu dagaallamay Magaalada Baydhabo
Arooska Malabo Da'uud oo caawa ka socda Muqdisho ๐
04/02/2026
Ruushka oo ka baxay heshiiska Nugliyerka ee Maraykan,hal sano oo la kordhinayo heshiiska
Click here to claim your Sponsored Listing.
