Dr. Idle xaji kawle

Dr. Idle xaji kawle

Share

MBChB

20/08/2025

Wacyigalin!!

08/08/2025

Medical Quiz

What is the Term for the First Menstrual Period?
A) Menorrhagia
B) Menopause
C) Menarche
D) Amenorr

For More medical related knowledge Please Follow and like share our page

07/08/2025

Cervical cerclage waa qalliin lagu sameeyo si loogu tolo ilmo-galeenka (cervix) xilliga uurka, si looga hortago dhalmo h**e ama ilmo iska soo ridid, gaar ahaan dumarka leh ilmo-galeen daciif ah ama aan xirnayn si dabiici ah (incompetent cervix). Qalliinkan badanaa waxa la sameeyaa inta u dhaxaysa 12 ilaa 24 toddobaad ee uurka, iyadoo la isticmaalayo suuxdin iyo dun adag oo lagu adkeeyo ilmo-galeenka.

Saddexda nooc ee ugu waaweyn:
Transvaginal cerclage: Tolidda waxaa laga mariyaa xubinka taranka hawenka (kan ugu badan ee la isticmaalo).

Transabdominal cerclage: Tolidda waxaa laga mariyaa caloosha, badanaa waxaa loo sameeyaa haweenka horay ugu fashilmay transvaginal cerclage ama leh ilmo-galeen aad u gaaban.

Emergency cerclage: Waxaa la sameeyaa si degdeg ah marka si lama filaan ah loo arko ilmo-galeen furmaya ama gaabanaya.

Sababaha loo sameeyo (Indications):
Taariikh h**e oo ah ilmo-galeen furmaya aan xanuun lahayn taasoo keentay inay ilmo iska soo ridmaan xilliga trimester-ka labaad.

Ilmo-galeen gaaban (

28/07/2025

Faa’idooyinka joogteynta timirta (maalin kasta):

Timirta waxaa ku jira maaddooyin nafaqo iyo sonkor dabiici ah oo faa’idooyin badan u leh jidhka, sidaas awgeed in la joogteeyo cunisteeda waxaa laga helaa:

– Waxa ay yaraysaa u nuglaanshiyaha xanuunka xusuusta dila ee asaasaqa (Alzheimer), noocyo ka mid ah kansarka, xanuunnada Wadnaha ku dhaca, iyo xanuunka indhaha “Macular Degeneration” oo aragga dila. Waxa aanay caawisaa ka bogsashada habeenada (Aragga oo daciifa habeenkii ama marka meel iftiinkeedu yaryahay uu qofku joogo).

-Waxa ay ka hortagtaa calool istaagga,

-Waxa ay wanaajisaa xasuusta, waxa aanay xoojisaa baraarugsanaanta iyo awoodda u fiirsiga ee maskaxda.

Waxa ay la dagaalantaa dhiig la’aanta,

-Waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadataa nidaaminta iyo wanaajinta hurdada.

-Waxa ay yaraysaa dufanka dhiigga ee dhibaatada keena (Kalastaroolka).

Waxa ay wanaajisaa shaqada muruqyada iyo neerfaha

-Waxa ay caawisa ilaalinta xididdada dhiigga, waxa aanay ka hortagtaa kicista dhiigga (Dhiigkarka)

-Waxa ay u fiicantahay korniinka carruurta, gaar ahaan Lafaha oo ay xoojiso.

-Waxa ay u fiican tahay ciyaartoyga iyo dadka jimicsiga badan sameeya oo ay ka caawiso jidhku in uu soo ceshado awoodda / tamarta.

Waxa ay yaraysaa ama dib u dhigtaa calaamadaha gabowga ee maqaarka.

-Waxa ay u fiican tahay dumarka uurka leh oo ka kaxayso daalka iyo burburka jidhka.

Dhinaca kalana Daraasad lagu tijaabiyey haween uur leh, afartii toddobaad ee ka horreysay dhalmada oo si xidhiidh ah 6 xabbo oo timir ah la siinayey maalin kasta, waxaa lagu ogaaday in timirtu ay fududayso dhalmada. Waxa aanay caawisay in boqolkiiba 96 dumarku aanay u baahan ka foolin, ee ay si dabiici ah u fooshaan.

27/07/2025

Ku soo dhawaada boggayga cusub!

Waxaan ahay Dr. Idle Xaji Kawle, halkan waxaan idiinkula wadaagi doonaa farriimo caafimaad oo muhiim ah, talooyin wax ku ool ah, iyo wacyigelin ku saabsan daryeelka caafimaadka.

Ku biir bulshada caafimaadka jecel! ✅

➤ Like & Follow boggan si aad u hesho farriimaha caafimaadka si joogto ah.
➤ Fadlan la wadaag asxaabtaada iyo qoyskaaga — caafimaadku waa wadajir!

Sidoo kale igala soco TikTok: [.Idle Xaji Kawle] 🎥

Waad ku mahadsan tahay taageeradaada!

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Nairobi?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address

Nairobi