Hon Abdulkadir Abdullahi Dirie

Hon Abdulkadir Abdullahi Dirie

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hon Abdulkadir Abdullahi Dirie, Mogadishu.

15/05/2026

Hambalyo 15-ka May — Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed

15-ka May waa maalin taariikhi ah oo lagu maamuuso halgankii, waddaniyaddii, iyo doorkii weynaa ee ay dhallinyaradu ku lahaayeen xornimada iyo dhismaha qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Galmudug.
Ha sii jirto midnimada, waddaniyadda, iyo kaalinta firfircoon ee dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka dalka.

Hon. Adaawe
Musharax Madaxweyne Galmudug

10/05/2026

Waxaan hambalyo u dirayaa shacabka reer Koonfur Galbeed oo maanta si nabad iyo masuuliyad leh ugu dareeray doorashada Golaha Deegaanka iyo Wakiillada. Tani waa tallaabo muujinaysa horumarka dimuqraadiyadda, ka qaybgalka shacabka, iyo dhismaha dowladnimo xooggan.

Hon Abdulkadir Abdullahi Dirie Adaawe
Musharax Madaxweyne Galmudug

16/04/2026

Waxaan si diirran u soo dhaweynayaa shaacinta jadwalka doorashooyinka isku sidkan ee Dowlad Goboleedka Galmudug, taas oo aan u arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, matalaadda shacabka, iyo hannaanka dowlad-dhiska Galmudug.

Hon Adaawe
Musharax Madaxweyne Galmudug.

30/03/2026

Lama gaari karo horumar Nabad la'aan. sidaas darteed Waxaan u taagannahay inaan mideyno qalbiyada reer Galmudug si aan u xaqiijino Galmudug isku hadaf ah.

09/11/2025

Soomaaliya waxay soo martay xilliyo aad u adag abaaro ba’an, burbur dowladnimo, dagaallo sokeeye, iyo colaado qabiil.

Xaaladahani waxay na badeen murugo, dhimasho, iyo mahadho aan weli bogsan. Waxaa nalagu reebay xasuuso horor ah oo ilaa maanta raadadkoodu muuqdaan, magaalooyin burbursan, qoysas kala go’ay, iyo maskaxyo dhaawacmay.

Waxaa jiray xilli, marka aad internet-ka ka baarto magaca “Soomaaliya” aad helayso natiijooyin naxdin leh: dagaal, gaajo, iyo qaxooti.

Wuxuu ahaa waqti dalkeennu noqday tusaale murugo leh oo adduunka lagu cabsi galiyo marka laga hadlayo burbur iyo colaado aan dhammaan.

Laakiin maanta, dhowr sano kadib waxaa iftiimaya rajo cusub.
Waxaan noo muuqda nabad, nolol, iyo sumcad aan mar kale la wadaagi karno dunida inteeda kale. Magacii Soomaaliya wuxuu isu beddelay shumac ifaya calaamad muujinaysa kartida iyo adkeysiga muwaadinka Soomaaliyeed, oo si dhab ah u rajeynaya maalin ka wanaagsan shalay iyo maantaba.

Hase yeeshee, dhanka kale, waa inaan indhaha ka qarsan xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta.
Gobollada qaar waxaa ka huraya colaado qabiil oo gaaray heer aan horay loo arag.

Weli waxaa la dilayaa birimageydadii, dad aan waxba galabsan, oo lagu laayo aano qabiil, dadkii waxa ay isku badaleen xaabo iyo dhimbilo ololaya,
Weli waxaa gubanaya tuulooyin, waxaa la barakicinayaa dad, laguna kala fogaanayaa qabiil iyo deegaan, halkii ay ahayd in la isu soo dhowaado.

Ha noqon mid dhiig ku faana, ee noqo mid dhiigga joojiya, Ha noqon mid colaadda sii huriya, ee noqo mid nabadda ka shaqeeya.

Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu door ka qaataa daminta colaadda iyo dhisidda kalsoonida.

Soomaaliya h**e uma socon doonto ilaa aynu ka heshiinno, isku naxariisanno, oo aan is aqbalno.

Abdikadir Abdullahi Dirie Adaawe
📷Guluub

21/10/2025

Waxaa marag ma doonta ah in xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Galmudug ay marayso meel aad u xasaasi ah. Qalalaasaha iyo amni darrada isa soo taraya waxay muujinayaan dhibaatooyin salka ku haya maamul xumo, cadaalad darro, iyo hoggaan la’aan muddo dheer taagnayd.

Maanta waa maalin ay bulshooyinka walaalaha ah ee Galmudug (Duduble, Abgaal, Mareexaan, Dir, Shiikhaal, Murusade, Habargidir, iyo Madhibaan) ay u baahan yihiin in ay dib isku eegaan, una istaagaan sidii ay u dhisan lahaayeen maamul dhab ah oo ka tarjumaya danahooda, amnigooda, iyo mustaqbalkooda.

Galmudug waxay u baahan tahay hoggaan u damqanaya shacabka, dhexdhexaad ah, kana fog qabyaaladda, ka shaqeeya nabadda, caddaaladda, iyo horumarka. Waa in aynu ka gudubnaa kala qaybsanaanta iyo danaha gaarka ah si aynu u dhisno Galmudug mideysan oo nabad ah, leh hannaan dawladnimo oo daahfuran iyo caddaalad bulsho.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan qabaa’ilka sharafta leh ee Galmudug in ay si wadajir ah u soo xulaan hoggaan ka war haya aayahooda, u istaaga danaha shacabka, una hogaansan qiyamka cadaaladda iyo hufnaanta.

Waqtigu waa kan. Haddii aynaan maanta ka tashan aayahkeenna, berri wuu inaga tashan doonaa.
Aan isu nimaadno, aan iska iloowno kala qaybsanaanta, aan dhisno Galmudug ay hoggaamiyaan caddaalad, nabad, iyo mas’uuliyad.

Abdikadir Abdullahi Dirie Adaawe

04/10/2025

In la furo in ka badan 50 waddo oo u xirnaa arrimo amni waa ifafaale muujinaya in nabadd la gaaray, isla markaana amniga guud ee dalka uu marayo heerkii ugu wanaagsanaa.

Waxaan bogaadinayaa xukuumadda iyo hay’adaha amniga ee dadaalka joogtada ah ku bixiyay xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Soomaaliya waa Nabad!

30/08/2025

Hambalyo iyo Bogaadin

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxda cusub ee loo doortay Maamul Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Doorashadiinnu waa caddeyn muujinaysa kalsoonida shacabka iyo rajooyinka ay ka qabaan hoggaamin hufan, cadaalad ah, iyo mid horseeda horumar iyo nabad waarta.

Waxaan rajeynayaa in hoggaamintiinnu noqoto mid mideysa shacabka, kobcisa dhaqaalaha, horumarisa adeegyada bulshada, isla markaana sare u qaadda sumcadda maamulka iyo shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Guul iyo barwaaqo ayaan idiin rajeynayaa, waxaana diyaar u nahay inaan taageerno dadaallada wanaagsan ee horumarinta iyo dib u dhiska bulshada.

Mar kale, hambalyo iyo guul!

14/08/2025

Hambalyo Sanadguuradii Maamulka Galmudug – 14 August

waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka sharafta leh ee Galmudug munaasabadda 14-ka August.

Galmudug waa astaan midnimo, nabad iyo horumar. Waxaan ku faanaa in aan ka mid ahay bulshada ka shaqeysa sidii aan u ilaalin lahayn nabadda, u xoojin lahayn adeegyada bulshada, uguna horseedi lahayn jiilasha soo socda mustaqbal wanaagsan.

Sanadguuradan waxay inoo tahay xasuusin ah dadaalkii iyo halgankii lagu dhisay maamulka, isla markaana waxay inoo tahay dhiirigelin aan ku sii wadno horumarka iyo dib u dhiska.

Ilaahay ha barakeeyo dhulkeenna, ha dhowro shacabka Galmudug, hana ku asturo guul iyo barwaaqo.

Hambalyo Galmudug!
Nabad iyo Horumar Ha Inala Jirto

31/12/2024

Soo Dhaweyn Baaq Nabadeed iyo Dhiirrigelin Nabadda

Waxaan soo dhaweynayaa baaqa nabadeed ee ay soo saareen isimada, maamulka degmada Goldogob, golaha guurtida, culimada, waxgaradka, iyo ganacsatada beesha Leelkase. Dadaalka iyo aragtida ku saleysan nabadda ee ay muujiyeen waa tillaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasilloonida iyo wadajirka.

Waxaan si dhow ugu baaqayaa walaalaheenna beesha Sacad in ay iyaguna dhankooda aqbalaan baaqa nabadeed, si looga gudbo colaadda isla markaana loo gaaro xal waara oo ku saleysan isfaham iyo walaaltinimo. Wadaxaajoodka iyo nabadda waa furaha horumarka iyo mustaqbalka wanaagsan ee Galmudug oo dhan.

Nabadda waa guusha ugu weyn ee aan wada gaari karno. Waxaan mar kale ku celinayaa in hoggaamiyayaasha, waxgaradka, iyo dhammaan bulshada ay hormuud u noqdaan dadaallada lagu xoojinayo wadajirka iyo deris wanaagga.

Abdikadir Abdullahi Dirie (Adaawe)
Musharraxa Madaxweynaha Galmudug

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address

Mogadishu
252770000011