Noqo Mid Wax Aqriya
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Noqo Mid Wax Aqriya, Beauty, cosmetic & personal care, sharmaarkemohamedmouse@gmail. com, Mogadishu.
24/06/2025
11/01/2025
Midka jaakada Gaduudan ayaa yidhi:-
Aniga iyo saaxiibkay waxa aanu kala Xanaaqnay 4 sano, Waxaan rabay inaan la heshiiyo
Laakiin waxaan ka baqay inuu diido inuu ila hadlo
Waxaan Maqaaxi waxaan arkay isagoo fadhiya
Waan u imid oo gadaashiisa ayaan fadhiistay, waxaana ka codsaday midkale oo saaxiibkayga ah inuu sawir naga qaado
Sawirka ayaan soo dhigay waxaan ku qoray, "Waxaan rajaynayaa in gidaarka noo dhexeeya uu meesha ka baxo."
Nus saac ka dib, saaxiibkay ayaa isoo wacay wuxuu igu yidhi sawirka aad soo dhigtay Aabahay ayaa ogaaday inaan sigaarka cabbo.๐
Nagu soo biira Saaxibayaal๐ค
03/11/2024
Hada ka hor baa xili salaada loo istaagay sheekhiina uu jameecada usheegaayay in safka latoosiyo meelaha banaana labuuxiyo ayaa xariif reer mudug ah baa markii salaada loo istaagay imaamku yiri meelaha banaan buuxiya shaydaanku yuuna soo galine markaasaa kii ree muduga ahaa kulahaa maa la iska daayo haduu tukanaayo ree muduga waa shactiro miidhan ๐๐
31/10/2024
Todobo qarni kahor Ibnu Khalduun oo ahaa mu'alifkii Cilmiga bulshada (Social Science) ayaa wuxuu sheegay sababaha keena burburka dowladaha in aay yihiin Canshuur badan oo shacabka lagu soo rogo, hantida shacabka oo lagu bixiyo raaxeysi, madadaalo iyo maroorsiga xuquuqda dadka kale .
22/10/2024
Mar buu ahaa sawirka ugu badan ee ku dhegan/suran xafiisyada ama xarumaha dawladda, goobaha ganacsiga iyo guryaha qaar.
Waa sawirka m/weynihii 3,aad ee JS AUN Max'ed Siyaad Barre oo xukunka afgambi ku qabsaday maanta oo kale 55 sanno ka hor.
Adigu m/weynahee soo gaartay?
Waayihii h**e Jimco iyo khamiis kasta habeenkii Bun iyo Cambuulo ayaa la kirin jiray waxaana loo duceyn jiray waalid, walaal iyo dhamaan dadka geeriyooday (Mowtida)
Maalinta Jimcaha qabriga ayaa inta la tago loo soo duceyn jiray qofkii reerka ka dhintay, sidoo kalane waxaa carruurta lagu amri jiray in ay soo salaamaan Ayeeyo, Awoowe, Habaryar, Abti, Adeer iyo walaal.
Hadda, waxaad arkeysaa dhalinyaro aan aqoonin abtigood, habaryartood, ilmaha la dhashay ee xag hooy ama aabe walaalo ka yihiin oo aysan waligood is arag!
Maxaa isbadalay?
Xigasho Hussein Abdulle Mohamed
27/09/2024
Bishii Janaayo 1948dii waxaa Muqdisho isagu yimid cuqaal iyo culimo ka kala socotay gayiga soomaaliyeed waxaana dhacay shir wayn oo ay ka qayb galeen golahii dhexe ee SYL, ujeedadiisuna ahayd in la cabbiro dareenkii umadda soomaaliyeed ee xiligaa jiray.
22kii isla bishaa ayay waraaq u direen xog-hayahii qaramada Midoobay taas oo ay ku codsanayaan in soomaalidu iyagoo hal dawlo ah oo dib loo mideeyay xornimo la siiyo. Gobal walba ragii ka socday waa kuwan:
๐๐ฎ๐ฏ๐๐๐๐ถ
1: Ugaas Xassan Xirsi
2:Aadan Kawaale
3:Xaaji Ismaaciil Nuur
4: Xaaji Ismaaciil Cawaale
5: Xuseen Cismaan
6: Axmed Gahayr
7: Xaaji Cabdi Cali
8: Bulaale Caynaanshe
9: Omar Geelle
10: Calawi Kaamil
11: Cali Boore
12: Kadi Donale Ciise
13: Xaaji Jimcaale Ibraahim.
๐๐ผ๐ฏ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ข๐ด๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ป/๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ ๐๐ฎ๐น๐ฏ๐ฒ๐ฒ๐ฑ.
1; Ugaas Muxamed Ugaas Xaashi
2; Garaad Makhtal Garaad Daahir
3; Ugaas Maxamed Ugaas Siigaale
4:Mukhtaar Ugaas Maxamed
5; Sheekh Axmed-nuur Sheekh Yuusuf
6; Ugaas Xassan Dhicis
7: Sheekh Maxamed Xaaji
8; Xassan Sheekh Cabdulle
9: Suldaan Duulane Suldaan Rafle
10; Sheekh Aadan Warsame
11; Sheekh Cali-Suufi.
๐๐ฎ๐๐ฑ ๐๐ป๐ฑ ๐ฅ๐ฒ๐๐ฒ๐ฟ๐๐ฒ๐ฑ ๐๐ฟ๐ฒ๐ฎ.
1: Suldaan Xassan Sheekh Ismaaciil
2: Ugaas Doodi Ugaas Rooble ( wiil uu dhalay ugaaskii Samaroon)
๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ
1; Suldaan Cabdullaahi Suldaan Diiriye iyo
2: Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.
Waraaqdii ay direen iyo gobal walba cidda u siixday waa tan.
Tixraac: Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida.
Khaalid Cali-Guul Warsame.
Waxaa saxay: Abdihakim M. Haaddi.
Xigasho: Maxamed A Xaashi
08/09/2024
Salaada layl-ka habeenkii ha laga faa'iidaysto si uu Alle xaajadeena inooga aqbalo.
Ahmed Yusuf Qamaan
29/08/2024
Isbarbardhig ayaa awood badan Masar iyo Itoobiya?
Dad badan ayaan is waydiinaya ayaa badan ciidan ahaan hub ahaan iyo qalabka Milatariga ee dalalka Masar iyo Itoobiya oo laga cabsi qabo in ay fooda isdaraan hadii ay ka sii darto xiisada gobolka.
Hadaba waxaan halkaan ku soo koobaynaa is barbarig ku saabsan labada dalka๐
Tirada ciidanka Heeganka ah.
Masar 440,000
Itoobiya 162,000
Ciidanka Kaydka ah
Masar 480,000
Itoobiya 0
Ciidanka Milatariga ka barbar dagaalama.
Masar 300,000
Itoobiya 0
Miisaaniyadda Difaaca iyo kaalmaha ay ku kala jiraan Masar kaalinta 35aad ee aduunka.
$9,400,000,000
Itoobiya
Miisaaniyadda Difaaca kaalinta 92aad.
$888,099,450
Awoodda Hawada
Diyaaradaha dagaalka Masar waa 1,080 waxa ay aduunka uga jirtaa kaalinta 8 aad.
Itoobiya Wadarta Diyaaradaha
Itoobiya- 91 waxa ay aduunka uga jirtaa kaalinta 72.
Hawlgalka Gaarka ah
Masar aduunka waxa ay uga jirtaa kaalinta 24 waxa ayna haysataa 11 ah diyaaradaha fuliya howlgalada ah gaarka ah.
Itoobiya โ 0
Helicopters
Masar (kaalinta 11) - waxa ay haysataa 338
Itoobiya (kaalinta 70) - waxa ay haysataa 31
Helicopterada weerada fuliya.
Masar (kaalinta 7) - 100
Itoobiya (kaalinta 70) - 31
Awoodda Badda
Maraakiibta iyo doomaha dagaalka.
Masar (waxa ay ku jirtaa kaalinta 22-aad ee aduunka ) waxa ayna haysataa 140 xabo
Itoobiya - 0, badna malahan.
FG. Masar waa wadanka ugu awooda badan Milatariga Africa, wadanka kaliya ee African ah ee haysta diyaaradah Maraykanku soo saaro ee F-16.
Hassan Noor
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadishu
