Tagto iyo timaado
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Tagto iyo timaado, Beauty, cosmetic & personal care, Northwood Park, Dublin.
22/05/2022
Haweeneey in mudo ah Raadinaysay wax HAAN u qoro ayaa waxay Aragtay nin somalida afka mayga ku hadasho ah oo safar ah
Ninkani wax sahay ah muuna wadan oo xaalkiisa ma uusan fiicnayn
Islaantii ayaa kutiri ninow Haan maqori taqaanaa ?
Waxuu kuyiri Haa waan qori Aqaanaa
Waxay tiri haan ( dhoon horaad ah) ii qor
wayna soo dhawaysay oo raashina siisay
markuu noolaaday ayuu Intuu gudun qaatay meel rerka cabaar u jirto geed wayn oo ku yaalay salka kajaray
Kadibna halkii fariistay si uu u qoro haantii
BALSE
NINKANI MAYAQAANO SI WAX LOO QORO EE MADAAMA UU BAAHNAA SI UU WAX UU CUNO U HELO AYUU HAWSHAN U GALAY
Islaatii waxay u timid ninkii oo geed waynaaday salka kajaray oo qoraayo
waxayna istiri walaahay geedkani waxuu noqon doonaa haan aad uwaayn oo way faraxday
Raashinkii iyo waxay uwaday ayay siisay oo way ka noqotay
Mudo kadib ayay kusoo noqotay oo waxay tiri xagay wax kuu marayaan ?
WAXUU YIRI HAANTII
IS GADISAY OO (TARI )AYAY NOQONAYSAA
Waxay tiri haye ii gadhig CIIRTA AYAAN KULULANE
wayna iska noqotay dhanka guriga hadane
Sidoo kale way kusoo noqotay iyadoo shah iyo biyo u wado waxayna tiri xagay wax kuu marayaan?
WAXUU YURI TARIDII (IS GADISI) OO (DHIIL )AYAY NOQONAYSAA
Haye ii ga dhig caanaha ayaan ku shuban ayay tiri gurigii ayay ku noqotay
NINKANI WAXBA MAYAQAANO MARKUU GUDUNTA KU DHUFTABA GEEDKA QAYB WAYN AYAA GO,DA
Way kusoo noqtay islaantii oo waxay waydiisay xagee wa kuu marayaan?
WAXUU YIRI IS DHIISHII( IS,GADISI)
OO WAXYAY NO QOTAY (GAAWE)
haye ii gadhig lo,da ayaan ku maali ayay tiri oo kanoqotay
Hadane
Markale ayay usoo qaaday iyadoo uwado waxuu cuno oo ay waydiisay xagay wax kuu marayaan ?
WAXUU YIRI GAAWAHII IS GADADISAY
OO WAXAY NOQDAY (SHIIKE)
Haye iiga dhig ariga ayaan ku maali ayay tiri oo kasoo noqotay
Mudo kadib ayay kusoo noqotay oo ay tiri xagay wax kuu marayaan ?
WAXUU YIRI SHIIKAHII IS GADADISAY OO( KOOR) AY NOQTAY
Waxay tiri haye iiga dhig geela ayaanba kuxirne
Waykasoo War doontay oo waydiisay?
Isagoo in yar gacanta kuhaayo oo ka soo haray geedkii waynaa
WAXUU YIRI KOORTII IS GADISAY OO WAXAY NOQOTAY ( FANDHAAL)
Iigadhig ayay tiri soorta ayaan ku cunayaaye
Hadane way kusoo noqotay oo tiri haye kawaran fandhaalki?
WAXUU YIRI WALBA MAQADAASE
Yacni waxba ma noqonaayo
Intii geedka kasoo hartay ayay kaqadatay oo ay tiri iskatag lugooyo aabaheed ayaad tahaye
Sheekadan waxaad ka fahmi kartaa haweenaydan inay lamid tahay dadka somaliyeed ee u baahan dawladnimada oo sida aan rajo go,a lahayn kolbo ruux u caleemo saaro
Sidoo kale xariifkan waxuu lamid yahay baarlamaanka baahan ee hunguri (laaluushka) wax ku doorto
Oo ku dhax jira hawl aysan heel u ahayn
Mudada ay islaantani kusoo noqonaysay ninka waxay lamid tahay intii ay dadka somaliyed sugayeen doorashada iyo heerarka ay soo martay (=isgadisay)
oogu danbay inta yar ee geedka kasoo hadhay
Ee ay islaanta ka qaadatay waxay lamid tahay doorashada xasan sheeq
Hadaba waxaa loo baahanyayahay in dadka somaliyeed ay go,aanka islaanta oo kale ay qaataan oo inta yar ee soo haray ay iska qaataan lashaqeyaan oo ay sugaan ilaa inta nin haan qori yaqaano uu ooga imaanayo
Oo aya iska ilaaliyaan inay qof walbo waydiyaan inuu haan qori yaqaano
Waa waayo aragnimo fiican iyo qasaaro 4 sano ah
Mahad sanid
mahadsanid
22/05/2022
Pag waxaad kala Socon doontaa sheekooyin cilmi xikmado oo ah kuwo horay u dhacay iyadoo lagu cabiro doono arimaha timaada ah
Kusoo dhawaw
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Northwood Park
Dublin
D09
