Daamo Media

Daamo Media

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Daamo Media, Beauty Salon, Pendang.

29/11/2025

Dooni iiraani ah oo Ciidamada Ilaalada Cashuuraha Puntland kasoo qabteen Degmada Caluula ayaa Horaanti Bisha October Lageeyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Doonidan oo ay Dawlada Puntland Sheegtay In ay Sifa Sharci Daro ah Uga Kaluumaysanaysay Xeebaha Puntland ayaa La Geeyay Maxkamad Iyadoo Lagu Ginaaxay 70kun oo Dollar Lacagtaas oo si toos ah ugu Dhacaysay Wasaaradda Maaliyada Puntland Waxaana jiray Heshiis udhaxeeyay Wasaaradda Maaliyada iyo Degmooyinka Gobolka Raascasayr kaasoo ahaa in Dakhliga Ginaaxa 10% Lagu Cesho Degmada Lagasoo Qabtay Doonida.

Waxana Gabi Ahaanba Jabisay Wasaaradda Heshiiskaas iyadoo Gobolka Raascasayr Usoo Wareejisay Lacag Aan Ahayn Qoondadi uu Gobolku Lahaa.

Sidee Loo Qaybsaday Lacagta Wasaaraddu usoo dirtay Gobolka Raascasayr ?

1- Gudoomiyaha Gobolka Raascasayr 2kun oo Dollar
2- Xeer Ilaaliyaha Gobolka Raascasayr 4kun oo Dollar
3- Xisaabiyaha Gobolka Raascasayr 5kun oo Dollar.

Waxana Gudoomiyaha Degmada Caluule loo diray Kun Dollar Isagoo Gabi Ahaanba Diiday Iska Markaasna Sheegay in Degmada Caluula Heshiiski Ginaaxa ee Wasaaraddu La Gashay uu Ahaa 10% sii Loogu Hormariyo Baahiyaha Aasaasiga ah ee Degmada Isaguna uusan Reer Caluule ku Matali Karin Qoondada Wasaaradda Maaliyadu soo Marisay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada Gobolka Raascasayr.

Dakhliga Ginaaxa Wasaardda Maaliyada Gobolka Raascasayr ayaa ku dhacay Gacanta Shakhsiyaad gaar ah Iyadoo Marki Horeba Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Jawle iyo Agaasime Ku Xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Xaashi ay Kala Tuurteen inta ugu Badnayd Lacagta Loogu Talagalay Hurumarinta Dakhliga Ginaaxa Doonyaha ee Gobolka Raascasayr.

Sidoo Kale Warbaahinta Bareeda News ayaa Heshay in Ciidamadi Hawlgalka Kusoo Qabtay Doonta La Ginaaxay Lasiiyay 5Kun oo Dollar oo Kaliya Halka ay Xaq Ulahaayeen 15% Lacagta Doonta Lagu Ginaaxay oo ahayd 70kun oo Dollar.

Xigasho Bareeda News Abdirazak Abosto

29/09/2025

: Roob Xoogan ayaa ka da'aya Xarunta Gobolka Bari ee Bosaso kadib Muddo dheer oo uusan Rooba ka da'in.

28/09/2025

"Ma doonayo muddo-kororsi." — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh oo la hadlaya BBC-da ayaa intaasi ku daray in aanu marnaba go'in xidhiidhka kala dhexeeya Puntland & Jubbaland

28/09/2025
28/09/2025

Ale How Naxariisto Taliyaha Howlgelinta Gobolka Raascasayr Cabdi Afbalaar Oo Dhaawac Ka Soo Gaaray Shirgaari Caawa U Dhintay Caawa

Daamo Media

11/04/2025

Dhulbahantow Tolkiin majeerten Haka Dulbodinina
Lama huraan waa cawska jiilaal
Niman kuu furi doonin yuusan kuu Rarin

09/04/2025

Waxaan maanta kulan la yeeshay Ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Chen Wendi.

Kulankan ayaan uga hadlnay iskaashiga labada dal ee ku aaddan horumarinta Arrimaha Badda iyo kaabeyaasha la xiriira. Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ballanqaad taageero farsamo iyo tababarro la xiriira xirfadaha badda.

07/04/2025

Rasi_Aseyr puntland somalia 🇸🇴🐬🏔️

Photos from Daamo Media's post 06/04/2025

Magaca Guardafui wuxuu ka kooban yahay labo eray ee talyaani ah oo kala ah “𝐠𝐮𝐚𝐫𝐝𝐚 & 𝐟𝐮𝐢” oo la micno ah 𝐀𝐑𝐀𝐆 𝐨𝐨 𝐂𝐀𝐑𝐀𝐑 maadaama marinkaas ay maraakiib badan ku dageen waliba xiliga ay dhacayaa 𝐝𝐚𝐛𝐚𝐲𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐒𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 la yiraahdo oo arragu yaraado xiligaas.
Raas casayr waa marin badeed istaratiiji oo dunida caan ka ah waana halka ay ku kala qaybsamaan labada badood ee kala ah 𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐡𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐚𝐜𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐦𝐞𝐞𝐝 waxaana isticmaalaan maraakiinta ukala gooshaya qaaradaha sida Africa, Asia & Australia
Qorshaha dhismaha munaaradda Raas casayr wuxuu soo bilowday 𝟏𝟖𝟗𝟗 lkn waxaa si rasmi ah loo dhisay sanadkii 𝟏𝟗𝟐𝟒-tii waxaana waagaas loogu magac daray “𝐅𝐫𝐚𝐧𝐜𝐞𝐬𝐜𝐨 𝐂𝐫𝐢𝐬𝐩𝐢” oo ahaan jiray RW-hii Talyaaniga.

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Pendang?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Pendang
06700