Run&xaqiiqo

Run&xaqiiqo

Share

isse kuluc

19/08/2025

WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH OO AY ARRIMAHA KU TAKRI-FALKA DHULKA DANTA GUUD KA SOO SAAREEN MADAXWEYNEYAASHII H**E EE DALKA

Ogoosto 19, 2025: Ugu horrayn, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay howl-gallada ku takri-falka dhulka danta guud ee ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana leenahay Eebbe ha u naxariisto intii ku dhimatay kuwa ku dhaawacmayna alle ha caafiyo.

Sida ku cad qodobbada 25aad, 26aad iyo 43aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, qodobbada 50aad iyo 51aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud oo Qeexaya hantida danta guud iyo sida loo maamulayo iyo qodobbada 6aad iyo 22aad ee Xeer lr 41 ee Sharciga Dhul Qaybinta. Qodobbadaas dhammaan waxay qeexayaan marka dhul laga saarayo diiwaanka Dhulka Danta Guud in ay waajib tahay in la xaqiijiyo arrimahaan;

•⁠ ⁠In muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed,
•⁠ ⁠In la soo bandhigo in laga maarmay dhulka la iibinayo iyo sababta,
•⁠ ⁠In iibintiisa ay ka masuul tahay Hay’adda Iibka Qaranka,
•⁠ ⁠In la naadiyo, laguna qoro Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaaddaan,
•⁠ ⁠In la xaqiijiyo u sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa,
•⁠ ⁠Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da dheefsashada dhulka, iyada oo aan dhibaato loo geysan deegaanka,
•⁠ ⁠Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida,
•⁠ ⁠Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar,
•⁠ ⁠In la dhigo Khasnadda Dhexe ee Dowladda dakhliga ka soo xarooda dhulkii la iibiyay.

Waxaa ayaan darro weyn ah in aan la marin qodobbada sare ku xusan oo shuruucda
dalku ay waajibinayaan in la raaco, isla markaana si bareer ah loogu tuntay Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka.

Haddaba anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:
1.⁠ ⁠Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego.
2.⁠ ⁠In dib u dajin loo sameeyo dadka la bara kiciyay, xaq dastuuri ahna u leeyihiin in ay helaan deegaan.⁠
3.⁠ ⁠⁠ In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay.

Ugu dambayn, ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee xalaal quudatada ah waxaan uga digaynaa in aanay ku kadsoomin dhulka danta guud ee ummadda ka dhexeeya, meelna uga soo wada jeestaan fasaadka iyo boobka hantida qaranka, iyaga oo ogsoon awooddooda dastuuriga ah ee ku cad qodobka 1aad ee Dastuurka Dalka.

Waxaa soo wada saaray Madaxweynayaashii h**e ee dalka:
1.⁠ ⁠Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan
2.⁠ ⁠Mudane Shariif Sheekh Axmed
3.⁠ ⁠Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

-Dhammaad-

31/01/2025
19/09/2024
We are the lions of africa 🔥🇸🇴🦁✊️ 19/09/2024

Soomaliya maha meel wax kasta shine kafushan karo walahi soomali ciyaarciyaar maha

We are the lions of africa 🔥🇸🇴🦁✊️

Photos from Run&xaqiiqo's post 04/09/2024

Madaxwayne h**e mudane Shariif Shiikh Axmed ayaa war-saxaafaded kaso saray abaabulka qabyaladaysan ee kasocda muqdisho

28/08/2024

Nawako iyo neeg labada wakaaladood baa garoowe baabi iyay oo dhiig miirasho ba-an kusameeyay Neeg baana siixun labada shacabkuna malahan awood iyo dadnimo ay wax kudiidi karaan allaw sudaan udhaan reer garoowe

25/08/2024

Dadka waxbartay dadkooda reer 𝗠𝗶𝘆𝗶𝗴𝗮 ah ha ku wacyigeliyeen in ay xoolahooda awooda saaran halka ay hay'ado xerayn laahaayeen. Dhibta maanta soomaalida haysata ee dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan , iyo taran ahaanba waa curyaaminta ishii dhaqaale ee ugu weynayd ee xoola dhaqashada. Qofku in uu shaqaysto oo xoogiisa maalo waxa ay dhashaa in uu wax tabcado si xalaal ah waa barakaysanyihiin xooluhu. Waa muhiim in dadku xirfada ay garanayaan ee soo jireenka ah awooda saaran iyadana hababka casriga ah u bedelaan. Dhaqaale xumo majirto'e inaga ayaa Illaahay wixii uu hibada inoo siiyey dayacnay xooluhu waa dahab iyo shidaal lahubo.

07/11/2023

Barasabka gobalka nugaal mudane c/rixman xaji abshir(qaanqaan)

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Garoowe?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Garoowe
7732902