Horseed media
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Horseed media, Health/Beauty, Kismayo.
Taliye tuulo aan Degmada ahayn oo kismayo u jirta 12 km afgambiga loo dirsan ee waliba lacag xadiga baxsan loogu diri waa nocee war basha cusba nagaga soo dara
Deg Deg” Raisulwasaare Xamze iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ku Wajahan raaskanbooni iyo Dowlada Somalia oo dhuula tus ka Sameysay maanta halkaasi.
05/12/2024
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka Qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran.
Golaha ayaa warbixin la xiriirta ciidanka Qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee Jubbaland, waxa uu ka dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha, iyada oo tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas.
Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, oo diyaarintiisu ay socotay muddo sanad ku dhow, haddana maraya heer gabo-gebo ah, kaas oo dhaqan geli doona sanadka 2025, isla markaana beddeli doona qorshaha horumarinta Qaranka (NDP-9).
07/07/2024
Ramadan kariim asxabta qaliga ah
26/11/2023
Ra'iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo
Kismaayo, Nofeembar 26, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka Khawaarijta, xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
[email protected]
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia
Aduunyada ka majirto wax la dhoho maalin xun iyo maalin fiican, maalmaha dhamaantod waa isku mid wanaaga iyo xumaanta waxay ku xirantahay sida aad u aragtid wakhtiga aad ku jirtid
24/11/2023
Tiisa daryeelaa tu kale kudara ,adkaatay o fogaatay qaaali furuhu waa 9 Juma kariim
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Kismayo
