Hadal xaqiiqsan ujoogso
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hadal xaqiiqsan ujoogso, Health/Beauty, Mogadishu.
08/02/2022
Nacaybka, Calool xumada iyo in aad aargoosi u carartaa k**a mid aha dabeecadaha lagu yaqaanno shakhsiga bisil. Qofka nolosha u bisili waa qof si tolmoon oo wanaagsan u fikiraya, awood u leh in uu cafiyo khaladaadka dadka ku xeeran kaga yimaadda, aqbalana raalli gelinta cidda ku gefta. Qofka nolosha u bisili waa ka aan ku fikirin aargoosiga, xumaantana aan xumaan kaga jawaabin.
Ha noqon Danayste:
Ku dadaal in aad dadka gacan-qabato, khayr iyo samaanna u rajayso intii aad awooddo. Qofka oo naftiisa uun wanaag kasta la doonaa waxa ay astaan u tahay in uu yahay qof aan xasiloonayn, ammaan darro nafsi ahna dareemaya, waxa ay ka mid tahay dabeecadaha lagu yaqaanno dadka aan fikir ahaan bislayn.
ku Dadaal In Aad Farxad Geliso Dadka:
Deeqsinimada iyo wax-bixintu kuma koobna dhinaca dhaqaalaha, balse waxaa jira wax bixin dareen ah oo aan la taaban karin oo ka badan tan la taaban karo. Adiga oo ku dadaala in aad farxad geliso dadka kugu xeeran ayaa ka mid ah deeqsinimada ugu habboon.
Waa in aad kala garato bisaylka iyo weji xirnaanta, qofka bisili, ma’aha qof weji xiran, mar kastana si aan kaftan ahayn wax u eega, balse waa qofka garanaya marka ay tahay in uu qoslo iyo cidda ay tahay in uu la qoslo, marka ay tahay in uu waqtigiisa ku raaxaysto iyo marka ay tahay in kaftan iyo ilaaq uu dhinac iska dhigo. Qofka aan dhiman in habeen kasta cimri u kordhaa waa lama huraan, cidina waxba k**a beddeli karto, laakiin in aad noloshaada ku raaxaysato, dhabta iyo dheeldheelkana isu miisaantaa waa doorasho qofka ka imanaysa oo ay tahay in ay ku dhisnaato maskax iyo awood uu qofku u yeesho qorshaynta, dad aad u yar baana sida ay tahay uga soo baxa.
Naftaada ku kalsoonoow:
Ugu dambayntii Waxa aad ku dadaashaa in naftaada aad ku beerto kalsooni, shakhsiyaddaada intii suurtogal ah aad ku qanacdo. Cidina ma’ jecla mana danayso ruux walaac badan oo aan hal-adayg lahayn. In aad noqoto ruux naftiisa ku kalsoon waxa aad ku kasbanaysaa ixtiraamka dadka iyo in ay iyaguna kugu kalsoonaadan. Laakiin
02/02/2022
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu
