Fartuun sheikh Cumar

Fartuun  sheikh  Cumar

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Fartuun sheikh Cumar, Makeup artist, Minneapolis, MN.

01/03/2024

‎إنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

‎Naxariistii janno Allaha ka waraabiyo

Garaad C/maalik Garaad cismaan Garaad Cali oo xaqii Alle u yimid.
Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu janatul firdowsa ka warabiyo .

Dhamaantena Samir iyo Iman Buxa Nagawadasiyo

﴿ كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۖ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ ۗ وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ﴾

11/01/2020
05/22/2017

Mashaallah wadaniyad yar 💙💭💙❤️👈

Photos 10/12/2016

الحمد لله على نعمة الاسلام ونعمة العقل و التوحيد

Photos from Fartuun  sheikh  Cumar's post 10/08/2016

☹️☹️اللهم اجرنا من عذاب جهنم

10/05/2016

Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan...

Sheekh Cali Dhandhaawi ilaahay ha u naxariistee waxa uu ku yiri Xasuus qorkiisii:
Dimishiq waxaa ku yaaley masjid wayn oo la yiraahdo Jaamic al tawbah, Waa Jaa...mic wayn oo barakaysan oo Quruxbadan, Waxaa loogu magacaabey Jaamic al tawbah Wuxuu ku ooli jirey meel Macaasida lagu sameeyo barigii h**e, kadibna waxaa iibsadey Mid ka mid ah Boqoradii Qarnigii Todobaad ee
Hijriga, Intuu dumiyey ayuu masjid ka
dhisey.

Masjidka waxaa Joogi jirey Sheekh ilaa
Todobaatan jir ah Magiciisana
waxaa la oran jirey, Sulaym AL Suyuudi,
Dadka xaafadda daganina aad bay
ugu kalsoonaayeen wixii ku saabsan
arimaha diintooda iyo duunyadoodaba
way ula noqon jireen, Sheekha
waxaa la joogi jirey Ardey
aad u dhawrsani badan oo aan waxba haysan,
Masjidka ayuu ka daganaaa Qol,
waxaa soo maray ardaygaas Inusan
waxba cunin laba maalin,
wuxuu cunana ma uusan heli jirin,
maalintii Sadexaad ayuu is yiri
waad dhimanaysaa, wuxuu ka fakarey
wuxuu samayn lahaa, markaasuu
wuxuu Is tusiyey In ay u bannaantahay
inuu wax soo xado si uu
dhimashada uga bad baado.
Sheekh Dandaawi wuxuu leeyahay
Qisadan waa Qiso dhab ah
dadka ay ku dhacdayna waan garanayaa.

Masjidku wuxuu ku yaaley xaafado qadiim ah, guryuhu barigii h**ena way xidhiidhsanaan jireen oo dhinaca ayeey isku wada hayeen, qofkuna wuxuu awoodey inuu guri intuu fuulo uu xaafadda dhan isu wada maro.

Ardaygii Masjidkii buu dhakada ka fuuley kadibna wuxuu ku dulsocdey xaafadihii isku dhegsanaa, indhihiisu waxay ku dhaceen dumar kadibna wuu ka ill laabtey oo wuu ka fogaadey, wuxu arkey Gurigi Cidlo ah oo ay ka so baxayso Urta Karinta cuntada, Gaajadii haysey awgeed Sidii bir labta oo kale ayaa dhankii guriga loogu jiidey, gurigii buu kor ka dalooliyey kadibna Kijadii buu galey, digsigii dabka Saarnaa ayuu ka qaadey daboolka, Mise waxaa kar karaya Baadijaan, Mid buu la soo baxay Kadibna wuu qaniiney, Ma uusan awoodininuu liqo caqligiisii iyo diintisii ba u soo noqdey, wuxuu yiri " Acuudu billlaah, Ma anigoo Daalibul Cilmi ah oo waliba Masjidka degan Ayaan guryaha dadka u dhacayaa oo Xadayaa?.
Wuxuu sameeyey ayaa la waynaadey kadibna wuu istiqfaarsadey wuxuu ku celiyey Baadijaankii dhergii, kadibna wuxu ku soo noqdey meeshuu ka yimid, Sheekhii Darsiga bixinayey buu iska ag fadhiistey isagoo aan awoodin inuu maqlo waxa uu sheekhu sheegayo Gaajo awgeed.

Markii Darsigii dhamaadey ee ay dadkii kala dareereen, waxaa sheekhii u timid Haweeney is asturaysa Dumarkuna xiligaas Way asturnaayeen, Sheekhii bay la hadashey hadal uusan maqlin Ardaygu, kadibna sheekhii baa dhinicii ardayga soo jalleecay kaligiis buu arkey inuu ka joogo ardaydii, markaasuu u yeedhey wuxuu ku yiri" Reer Ma leedahay? Ardaygii wuxuu yiri Maya" Sheekhii wuxu ku yiri Guur ma doonaysaa? Kadibna wuu aamusey, Sheekhii ayaa mar labaad ku celiyey Guur ma doonaysaa? Markaasuu ardaygii ku yiri Yaa Sayidii Rooti waxaan siisto ma haysto Maxaan ku guursadaa?

Sheekhii wuxuu ku yiri Haweentani waxay ii sheegtey in ninkeedii uu dhintey Magaaladanna way ku cusubtahay, Cidna uma joogto aan ka ahayn Adeerkeed oo Wayn, wuuna la socdaa hadda, waxayna dhaxashey gurigii ninkeeda iyo macaashkiisi, waxayna rabtaa inay hesho nin ay ku guursato Sunada Rasuulka SCW, Si aysan u kaliyoon, oo aysan markaa u damaaciyin Dadka xun xun, ee Ma rabtaa inaad guursato?


Ardaygii wuxuu yiri Haaah, Haweentii buu waydiiyey wuxuu ku yiri Ninkaan adiguna ma rabtaa haween yahay? Waxay tiri haaah, Adeerkeed buu u yeedhey iyo laba markhaati, Meherkiina Sheekhii baa ka dhiibey wuxuuna ku yiri Qabso Ninkaaga, Kadibna gacantiisii bay qabsatey oo gurigeedii bay la aadey, Markey gurigii gashey Ayeey wayjigii iska faydey, Mise waaba Gabadh dhalin yaro ah oo Quruxbadan, Gurigii buu eegey Mise waa gurigii markii dhawayd Is lahaa Ka xad baadijaanka, Waxay ku tiri wax ma cunaysaa Markaasu yiri haah, Kijadii bay gashey waxay daboolka ka qaadey Dherigii waxay tiri Cajiib badanaa guriga ayaa soo galay maanta, Ardaygii waa ooyey Qisadiii buu uga sheekeeyey, waxay ku tiri tani waa Midhaha Amaanada waxaad ka dhawrsatey inaad cunto baadijaan xaaraam ah, ilaahay wuxuu ku siiyey gurigii dhammaa iyo gabadhii lahayd si xalaal ah

By ukhtukum fartuun sheikh Cumar

Photos 10/01/2016

كل عام وأنتم إلى الله أقرب ....

كل عام وأنتم من الجنان أحوز ...

عسى هالعام عام خير وسعاده ورضا من رب العالمين .

عام يكتب الله لنا رضاه ويقول عز وجل لنا يوم القيامه:(( إن هذا كان لكم جزاءً وكان سعيكم مشكورا))

Photos 09/27/2016
09/25/2016

Asslamu aleykum dhaman walaalaha page kan like gareyay waxan ka codsanaya in share gareyan si aay walaalaha kale u arkaan ooy ugu sobiiran pageka mahadsanidin

09/04/2016

Wiilkii Ilaahay u Qoray Dhambaalka (Qiso Cajiib)

Akhristayaal waxa jiray qisso dhab ah oo ka dhacday Dalka Masar ayaa waxa jiray Qoys faqiira oo aan wax Aduunya ah aan haysan Mood iyo Nool toona, balse Aabaha Reerka iska lihi waxa uu ahaa Nin ehelu cibaado ah.
Ninka reerka masuulka ka ah ayaa waxa uu Inan yar (wiil) uu dhalay ku barbaarin jiray in markasta oo la yidhaah’do yaad Aduunka u jeceshahay in uu yidhaah’do ALLAAH, kadibna inankii yaraa waxa uu noqday mid qalbigiisa ay dagtay kalmadda Jacaylka ALLAAH ,iyada oo lagaba yaabo caruurnimada darteed in aanu waxbadan ka fahamsanayn macnaha badan iyo faa’idada ku jirta Jeclaanshaha ALLAAH.
Muddo yar ka bacdi waxaa si xun u xanuun saday Odaygii Reerka ka masuulka ahaa, maadaama ay ahaayeen marka horaba reer faqiira oo aan lahayn wax dhaqaale ah, waxa dhacday in Odaygii uu tahli waayo in xattaa uu waayo wax uu Daawo siisto ha’yaraato amma habadatee, kadibna waxa uu noqday Nin Dhul yaala oo Xanuun dishooday.
Sida caadada innoo ah haddii aynu nahay Dadka Muslimiinta ah,waxa jira in aynu soo booqanno dadkeena bukaan jiifka ah,kadibna marka aynu ka anba’baxayno waxa aynu qofkii Xanuun’sanayay ku maca’salamaynaa kalmada ah ALLAH ha ku caafimaadiyo, taasi oo ah duco loogu ducaynayo in Illaahay Bukaanka cafimaad ugu badalo.wiilkii yaraa ee caruurta ahaa ayaa waxa uu markasta maqlaa iyada oo qofkasta oo Aabihii soo booqanaya marka uu kasii tagaayo uu ku leeyahay ALLAH HA KU CAAFIMAADIYO.
Kadibna wiilkii yaraa waxa maskaxdiisa ku soo dhacday ,ALLAHAN ay dadku leeyihiin ha ku caafimaadiyo miiyaanu ahayn midkii uu Aabahay aadka u jeclaa ee uu adigana ku odhan jiray marka lagu yidhaah’do yaad jeceshahay waxaad tidhaa ALLAAH.
Wiilkii yaraa waxa uu Go’aan saday In uu ALLAH uu Warqad u qoro kagana dalbanaayo in uu Aabihii u caafimaadiiyo,wiilkii yaraa waxa uu u tagay Hooyadii waxaanu u sheegay in uu doonayo in uu ILLAAHAY Warqad u qoro uu kaga codsanaayo in uu Aabihii u caafimaadiyo ,ilayn waa meel ILLAAHAY wax ka wadee Hooyadiina waa ay ka ogolaatay.
Wiilkii yaraa waxa uu soo qaatay Qalin iyo Warqad kadibna qoraal la fahmi karo in ay Caruuri soo qortay oo iska qalqalooca ayaa waxa uu ku qoray warqadii isaga oo leh . ALLAHII AAN JECLAAYOW WAXAAN KA CODSANAYA IN AAD AABAHAY II CAAFIMAADISO.
Kadibna waxa uu Hooyadii ka codsaday in ay gayso una raacdo meesha Boostada ee Warqadaha lagu diro,iyaduna waa Hooyo Khayrlee waa ay ka aqbashay , warqadiina waxa lagu riday Sandooqa boosta taasi oo ah WARQAD KA TIMO WIILYAR KUNA SOCOTA ILLAAHAY SWT.
Nasiib wanaag, Warqadii waxa uu Illaahay u Gacan galiyay nimankii Boosta gaar ahaan Dad xigmad iyo Caqli u saaxiiba,kadibna waxa ay arkeen in Warqadan ay ku socoto ILLAAHAY.
Dhammaan shaqaalahii ayaa waxa ay dareemeen in Warqadani ay tahay mid ka awood roon shaqada ay hayaan.waayo waxa ay arki jireen shaqadooduna ay tahay warqad qof soo qoray oo qofkale ku socota,balse Warqad si toosa ALLAAH ugu socota may arkin.
Warqadii waxa la gaadhsiiyay nimankii madaxda ahaa ee Dawlada u talinayay, iyada oo la ogaysiiyay in Boostada laga helay Warqad ku socota ILLAAHAY.
Maalmo ka bacdi madaxdii Dalka ayaa Warqadii shir ka gashay, hadaba si loo arko Warqada gudaheeda waxa ku qoran ayaa la furay Warqadii ,kadibna waxa la ogaaday in Warqadan uu soo qoray ilmayar oo Farbarada kaasi oo ALLAAH ka dalbanaya in uu Aabihii u caafimaadiyo.
Intii aanay Dawladu qoraalkii warqada aanay go’aan ka gaadhin ,ayaa Warqadii waxaa lagu qoray Jaraa’idka dalka kasoo baxa,taasi oo la leeyahay waxaa Boostada laga helay Warqad uu soo qoray Ilmayar kuna socota ILLAAHAY.
Fajac iyo amakaag ayaa dadkii ka wada qaadeen warqadii, kadibna waxaa ka mid ahaa dadkii Joornaalka akhristay nin ka mida Dhakhaatiirta ugu waawayn Dalka Masar kaasi oo markii uu fariinta akhriyay si dagdega u raadiyay Reerkan iyo meesha uu dagan yahay.
Markii uu ninkii Dhakhtarka ahaa uu Gurigii Qoyska uu yimi , ayaa waxa uu yidhi meeyay Wiilkii yaraa ee Warqada ALLAH usoo qoray, kadibna waxa lagu yidhi waakan,waxanu ugu jawaabay maadaama aad ALLAAH warqada u qortay ALLAAHNA aniga ayuu isoo diray.
Isla wakhtigiiba waxa uu Gurigii ka qaaday Odaygii Xanuusanayay waxaanu geeyay Dhakhtarkisii,reerkii iyo wiilkii yaraana waxa uu u balan qaaday in uu Aabahood halkan ku dawayn doono ALLAH na uu caafimaad uga baryi doono,wax Lacagana aanu ka rabin.
Mudo yar ka bacdi waxa Gurigii Odayga xanuusanayay waxaa kusoo qulqulay Dawladii oo dhan , waxaana loo sheegay in uu qaaday ninkii Dhakhtarka ahaa,Dawladuna waxkasta oo ay ku tari karayso waa ay ku kaalmaysay.
Akhristayaal Reerkii waxa uu ku danbeeyay Odaygii oo Ilaahay caafimaadkiisii usoo celiyay, Reerkii oo noqday mid hodana oo Ilaahay Risiiqiisa waasica ah uu u furay .taasi oo ay ku heleen Kalsoonidii iyo Xuskii Ilaahay ee aan marnaba Carabkooda ka go’ayn .
Marka aad qisadan u fiirsato waxa aad dareemaysaa ama kusoo baxaysa, in Wiilka yari uu ahaa mid caruura isla markaana aan garanayn ALLAAH wax uu gudo iyo wax uu galo, balse xaqiiqada meeesha ku jirta waxa ay tahay Caqiidada iyo garashada uu ALLAH U LAHAA ODAYGU IN AY TAHAY MIDAA ILAHAY KU GALLADAY ,sababna uga dhigay Warqadaa uu wiilka yari ILLAAHAY u diray.
Akhristayal waxaa fiican in aynu Caruurteena ku barbaarinno Jacaylka iyo barashada Illaahay si aynu If iyo Aakhiraba ugu liibaanno.

Xigasho: Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Minneapolis?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Minneapolis, MN